Taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan iyo ciidamadiisii oo isku soo dhiibay Puntland

Ciidamada ka soo goostay Samaliland ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda Puntland. [Xigashada Sawirka: Dabaraani Media Inc]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo katirsan maamulka Somaliland oo uu hoggaaminayo taliyihii aaga Badhan ayaa maanta oo Jimce ah isku soo dhiibay ciidamada Puntland, sida uu xaqiijiyay afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Qoraal uu boggiisa rasmiga ah ee Facebook-ka soo dhigay ayuu ku yiri: “ugu danbeyn waxaan ku guuleysanay in taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan ciidankiisii ay kusoo wareegaan dowladda Puntland.”

“Waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne Deni dadaalkii uu ku bixiyey arrintan, sidoo kale dhammaaan masuuliyiintii dowladda ee ka qeyb qaadatay arrintan sida guddoomiyaha gobolka Cali Xuseen, xildhibaanada baarlamaanka iyo guurti Cali Cabdullaahi Cabdi Ibraahim.” Ayuu ku sii daray.

Boqolaal qof oo shacab ah ayaa isugu soo baxay gudaha magaalada Badhan ee gobolka Sanaag si ay u soo dhaweeyaan ciidamada.

Dad weyne isgu soo baxay waddooyinka Badhan si ay u soo dhaweeyaan ciidamada. [Xigashada Sawirka: Dabaraani Media Inc]
Sanadkan gudihiisa, ciidamo gaaraya 200 iyo saraakiishooda oo ka soo goostay Somaliland ayaa isku soo dhiibay Puntland gudaha gobolka Sanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*