Qof qarax isku soo xiray oo ugu yaraan hal askari oo booliis ah ku dilay Muqdisho

Qof qarax isku soo xiray oo ugu yaraan hal askari oo booliis ah ku dilay Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal askari oo booliis ah ayaa lagu dilay kadib markii qof qarax isku soo xiray uu isku qarxiyay irida hore masaajid kuyaala xabsiga dhexe ee Muqdisho maanta oo Jimce ah, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Wakaalada wararka dowladda ee Sonna ayaa ku warantay in qofka qaraxa isku soo xiray uu doonayay in uu bartilmaameedsado sargaal sare oo booliis ah, balse waa uu ka badbaaday.

Ma jirto ilaa iyo hadda koox sheegatay masuuliyada weerarka, balse weerarada argagaxa leh ee Muqdisho ka dhaca waa ficilada maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*