Al-Shabaab oo shan qof oo ay ku eedaysay basaasnimo ku toogatay gobolka Bay

Sawirka: Dagaalyahan katirsan Al-Shabaab oo ku raran qori BKM ah.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fulisay shan qof, oo uu ku jiro wiil 16-sanno jir ah, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay jaajuusiin u ahaayeen Kenya, Mareykanka iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wiilka yar iyo afar nin oo kale ayaa meel fagaare ah oo ku taala magaalada Iidaale ee gobolka Bay lagu toogtay maalintii Axada, kadib markii garsoore katirsan Al-Shabaab uu xukun ku riday, balse garsooruhu ma uusan soo bandhigin wax cadaymo ah oo muujinaya dembiga dadka toogashada lagu fuliyay.

Shanta nin ee la toogtay ayaa lagu eedeeyay in ay basaasayeen dhaqdhaqaaqyada maleeshiyada Al-Shabaab, waxayna ka shaqeynayeen sidii loo heli lahaa taleefoonada hoggaamiyeyaasha sare ee Al-Shabaab, sida uu sheegay garsooraha.

Garsooraha Al-Shabaab ayaa sheegay in mid ka mid ah nimanku uu qirtay in uu isku dayayay in uu ogaado halka ay ku suganyihiin ciidamada Kenya ee ay Al-Shabaab qabsatay bishii Juun 2016-ka intii lagu guda jiray weerarkii saldhigga milatariga ee Ceel Cade.

Sida ay warbixinadu muujinayaan, Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fulisay dad dhan 22 qof sanadkan sii dhammaanaya ee 2017, oo ay ku eedeeyeen basaasnimo iyo dambiyo kale oo ay ku jiraan galmo iyo musuqmaasuq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*