Guddoomiyihii TPEC Guuleed Saalax Bare oo is-casilay

Guuleed Saalax. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) Guuleed Saalax Bare ayaa manta oo Axad ah is-casilay, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook-ka.

“Saaka waxaan ugudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxa uu sheegay in caqabado ka horyimid dartood uu go’aabsaday in uu booska banneeyo.

“Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruurfo iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska.” Ayuu yiri.

Guuleed ayaa bishii Agoosto 2019 loo doortay guddoomiyaha guddiga TPEC.

Waxa uu ka tagayaa taariikh ah in uu Puntland u horseeday markii ugu horeysay doorasho ha lqof iyo hal cod ah.

Saacad kadib is-casilaada Guuleed, waxaa isna shaaciyay in uu is-casilay ku xigeenkiisii Jaamac Xisri Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*