Ururada siyaasadda Puntland oo bilaabay ololahooda doorashada dowladdaha hoose

Taageeraayaaha ururka dowladda Kaah oo isugu soo baxay degmada Xumbays ee gobolka Karkaar. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ururada siyaasadda ee ka jira Puntland ayaa bilaabay ololahooda doorashada dowladda hoose, taasoo la qorsheeyay in ay dhacdo dabayaaqada bishaan May.

Ilaa todobo urur siyaasadeed oo uu kamidyahay kan dowladda ee Kaah ayaa muujiyay ka qeybgalkooda doorashada, taasoo siyaasiyiinta qaar ay walaac ka muujiyeen xalaalnimada codeynta.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ku dhawaad 400,000 qof ay iska diiwaangeliyeen gobolada Nugaal, Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan, Gaardafuu iyo Mudug. Gobolada Sool iyo Cayn oo kamid ah sagaalka gobol ee Puntland ayaa meel kamid ah aysan is-diiwaangelin ka dhicin.

Puntland ayaa bishii October 2021 saddex degmo ka qabatay doorasho hal qof iyo hal cod markii ugu horeysay tan iyo asaaskii Puntland, taasoo yididiilo u ahayd in bulshada ay xaq u yeeshaan in ay codkooda ku doortaan masuuliyiinta u adeega. Balse is-casilaadii guddoomiyihii TPEC Guuleed Saalax Bare iyo ku xigeenkiisii Jaamac Xirsi Faarax ayaa saamayn weyn ku yeelatay kalsoonida dadka ee hanaanka dimuqraadiyada. Labada masuul oo iscasilay bishii January 2022 ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu caqabad ku noqday hanaanka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*