Home Somalia Puntland Wasiir dowlihii madaxtooyada Puntland oo is-casilay
Wasiir dowlihii hore ee madaxtooyada Puntland Maxamed Cabaas Macalim. [Sawirka: Puntland Mirror] Garowe-(Puntland Mirror) Wasiir dowlihii madaxtooyada dowlada Puntland Maxamed Cabaas Macalim ayaa is-casilay shalay oo Jimce ahayd, isagoo sheegay arrimo isaga u gaar ah in uu isku-casilay.
Maxamed Cabaas oo tan iyo 2014-kii kamid ahaa golaha wasiirada Puntland, ayaa sheegay in madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu si rasmiya uga aqbalay is-casilaadiisa.
Is-casilaada Cabaas ayaa imaanaysa ku dhawaad shan maalmood kadib, markii wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade uu iska-casilay booskiisii, arrimo isaga u gaar ah.
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Be the first to comment