Isku dhac u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag

Magaalada Hadaaftimo. [Sawir Hore]
Garooowe-(Puntland Mirror) Isku dhac u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta oo Talaado ah ka dhacay magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, sida ilo-wareedyo deegaanka ku sugan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Isku dhaca ayaa yimid kadib markii ciidamada Puntland ay u diideen in uu magaalada soo galo nin la sheegay in Somaliland ay u soo magacowday gobolka.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay isku dhaca, sida ilo-wareedyadu ay intaas ku dareen.

Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya gaariga uu watay guddoomiyaha ka socday Somaliland oo waxyeelo soo gaartay kadib markii rasaas ay kaga dhacday taayirada.

Gaariga uu lahaa guddoomiyaha ka socday Somaliland. [Isha Sawirka: Facebook]
Labada dhinac weli kama aysan hadlin isku dhaca maanta ciidamadooda ku dhexmaray gobolka Sanaag.

Sanadkan gudihiisa, Puntland iyo Somaliland ayaa dhowr jeer isku dhac ku dhexmaray deegaano kuyaala gobolka Sanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*