Ciidamada Puntland oo fashiliyay qarax lagu aasay waddo kutaala magaalada Boosaaso

Ciidamada oo ku sugan goobta qaraxa lagu fashiliyay. [Xigashada Sawirka: PSF]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada PSF iyo ciidanka booliiska gobolka Bari ayaa xalay fiidkii fashiliyay qarax lagu aasay waddo kutaala magaalo xeebeedka Boosaaso, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud.

Waxa uu sheegay in khuburo miino oo ka socota ciidamada PSF ay ku guulaysteen in ay kala furfuran qaraxa oo ka koobnaa waxyaabo kala duwan.

Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland ayaa sanadihii dhawaa ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dilal khaarajin ah oo loo geystay masuuliyiinta dowladda iyo dadka rayidka ah sida ganacsatada, waxaana la rumeysanyahay in ay ka dambeeyaan ururada argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo ISIS, kuwaasoo ku dhuumanaya deegaanada buuralayda ah ee kuyaala gobolka Bari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*