Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray haamaha kaydka shidaalka oo laga dhisay Boosaaso

Madaxweyne Deni oo xariga ka jaraya keydka shidaalka laga dhisay Boosaaso. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah xariga ka jaray haamaha kaydka shidaalka oo laga dhisay magaalo ganacsiyeedka Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa soo dhaweeyay mashruucaan, waxaana uu sheegay in dowladiisu ay u fududeynayso wax walba oo ay u baahanyihiin dadka doonaya in maalgashi ay ka sameeyaan gudaha Puntland, taasoo gobolka u keeni doonta horumar iyo shaqo abuur.

Mashruucaan oo ah mid si gaar ah loo leeyahay, ayaa ah kii ugu horeeyay noociisa ee laga hirgaliyo Puntland, waxaana uu awoodi karaa in uu keydiyo 15,000 tan oo shiidal ah, sida ay sheegeen maalgashadayaashu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*