Soomaaliya oo Mareykanka la saxiixatay hehiis deyn dhan $1 bilyan looga cafin doono

Wasiir Bayle oo heshiis la saxiixanaya safiir Yomamoto. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo Axad ah heshiis labo geesood ah la saxiixday safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Yamamoto si loo yareeyo dib u habayna loogu sameeyo deyn ay Soomaaliya ku leeyihiin saddex haayadood oo Mareynkan ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

“Saxiixa heshiiskan waxa uu ahaa mid macquul ah maxaa yeelay Soomaaliya waxa ay fulisay dib u habayn dhaqaale oo muhiim ah sanadihii dhawaa waxaana bishii Maarso 2020 gaartay wajiga kowaad ee deyn cafiska ee loo yaqaan “Barta Go’aanka,” iyada oo loo marayo Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee Deynta badan lagu leeyahay. Marka ay Soomaaliya gaarto wajiga ugu dambeeya ee “Barta Dhammeystirka”, Mareykanku waxa uu ka cafin doonaa in ka badan 1 bilyan oo deyn ah,” sidaa ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Waxaanu boggaadinaynaa Dowlada Federaalka Soomaaliya guusha ay ka gaartay dib u habaynta dhaqaalaha. Ka shaqeynta hanaanka deyn cafinta ayaa Soomaaliya u ogolaanaya in ay dib ugu suurtagasho helitaanka taageerada maaliyadeed ee haayadaha caalamiga ah ee maaliyada taasoo ay awoodi doonto in ay ku maalgeliso yaraynta saboolka iyo koboca dhaqaalaha.” War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*