Wasiirka maaliyada Soomaaliya oo sheegay in kharashka daabacaada uu hortaaganyahay lacagta cusub ee dalka

Wasiirka maaliyada Soomaaliya Cabdirixmaan Ducaale Bayle. [Xigashada Sawirka: SNTV]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kharashkii daabacaada uu hortaaganyahay lacagta cusub ee dalka.

Shir jaraaid oo uu Muqdisho ku qabtay maanta oo Arbaco ah, Cabdirixmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in qiyaastii $41 milyan loo baahanyahay si deg-deg loogu daabaco lacagta cusub ee dalka.

“Wax walba waa laga soo shaqeeyay, waxay isugu timid lacagtii lacagta lagu soo daabici lahaa in la helo,” ayuu yiri wasiirku.

Waxa uu intaas ku daray in bar kamid qarashka ay dowladdu hayso bale inta kale la raadinayo.

Soomaaliya ayaan lahayn lacag rasmi ah tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe sanadkii 1991. Lacagta suuqyada taala ayaa ah mid been abuur oo ay daabaceen haayado aan dowli ahayn.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*