Dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay joojin doonto tababarka iyo mushahaarka uu Imaaraatka Carabta uu siiyo ciidamada Soomaaliya

Ciidamada Soomaaliya oo Imaaraatka ay tababaraan. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa sheegtay in ay joojin doonto tababarka iyo mushahaarka ee Imaaraatka Carabta uu siiyo ciidamada Soomaaliya, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in ay la wareegto ciidamada uu Imaaraatku tababaro ayna siin doonto mushahaarkooda.

Go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya kadib markii ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ee ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho ay Axadii qabteen lacag dhan $10 milyan oo ay siday diyaarad katimid Imaaraatka.

Bayaan ay soo saartay Talaadadii Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraatka Carabta ayay ku sheegtay in lacagta lagu qabtay Muqdisho loogu talogalay taageerada ciidamada Soomaaliya oo uu Imaaraatku taageero.

“Lacag loo qoondeeyay in lagu taageero ciidamada Soomaaliya iyo ciidamada layliska ku jira ayaa qori caaradiis ay ku qabsadeen ciidamada ammaanka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay baarayaan meesha lacagtu ay katimid, iyo halka ay u socotay, shakhsiyaadka ku lug lahaa iyo sababta ka dambeysa in lacag tiradaas la eg lasoo gasho dalka.

Imaaraatka ayaa taageerayay ciidamada Soomaaliya tan iyo bishii November ee sanadkii 2014 markaas oo labada dal ay kala saxiixdeen iskaashi milatari.

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa xumaa tan iyo markii uu bilaabmay Khilaafkii Khaliijka bishii Juun ee sanadkii 2017.

Dowladda Farmaajo ayaa ku adkeysatay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka Khaliijka kadib markii xulufada Sucuudia Caraabiya uu hoggaaminayo oo Imaaraatka uu kamidyahay ay kula taliyeen Soomaaliya in ay ku biirto xulufadooda oo ay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto Qatar.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*