Ilo-xog ogaal ah oo sheegay in Farmaajo uusan la kulmi doonin Muuse Biixi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan la kumi doonin hoggaamiyaha maamulka Somaliland, sida ilo-wareedyo xog ogaal ah oo katirsan dowladda Federaalka ay u xaqiijiyeen bog wareedka Puntland Mirror.

Maalmihihii u dambeeyay warbaahinta Soomaaliya iyo kuwa gobolka ayaa qorayay in madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hoggaamiyaha maamulka Somaliland kula kulmi doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo maalmihii u dambeeyay kulamo ku tagay dalalka Burundi iyo Jabuuti ayaa galabta oo Arbaco ah dib ugu soo noqon doono magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya.

Wadahadalada u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo dalka Turkigu gar-wadeen ka ahaa ayaa sanadihii lasoo dhaafay istaagay, kadib markii wax guul ah laga gaari waayay intii ay socdeen xilligii xukuumadii Xasan Shiikh Maxamed.

Turkiga ayaa isku dayaya in uu markale soo celiyo wadahadaladii. Horaantii bishaan Febaraayo Turkiga ayaa safiirkeedii hore ee Soomaaliya Olgan Bakar u soo magacaabay ergayga gaarka ah ee wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana uu safar ku tagay Muqdisho iyo Hargeysa.

Somaliland, oo ah maamul kuyaala waqooyiga galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka goosteen sanadkii 1991, balse wax aqoonsi ah kama helin caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*