Paul Formosa oo ahaa madaxii dekada Boosaaso ee la dilay oo aas loogu sameeyay dalkiisii

Meydka Paul Formosa oo la siyo kahor inta aan la aasin. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ninkii u dhashay dalka Malta kaasoo lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso labo asbuuc kahor ayaa maanta lagu aasay dalkiisii.

Paul Formosa waxaa toogtay oo dilay nin hubeysan oo katirsan Al-Shabaab 4-tii Febaraayo meel u dhow dekada Boosaaso.

Paul ayaa ahaa madaxii shirkada DP World ee dekada Boosaaso.

Aaskiisa oo ka dhacay deegaanka Marsascala ayaa waxaa ka qeybgalay qoyskiisa, sida ay ku warameen warbaahinta Malta.

Ninkii Al-Shabaab-ka ahaa ee dilay Paul oo dhaawac lagu qabtay ayaa isbitaalka Boosaaso ku geeriyooday habeenimadii 5-tii Febaraayo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wacad ku maray in ay ciqaab la kulmi doonaan cid walba oo ku lug leh arrintan, balse weli ma jirto cid maxkamad loo soo taagay kiiskaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*