Booliiska Garoowe oo xiray nin la raadinayay oo kamid ah koox dhalinyaro ah oo degmada Galdogob kufsi ka geysatay

Saldhiga dhexe ee booliiska Garoowe[Sawirka: Puntland Mirror]
Saldhiga dhexe ee booliiska Garoowe[Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska Garoowe ayaa xalay oo isniin ahayd xiray mid kamid ah wiilal deegaanka ah kuwaasoo bishii lasoo dhaafay gudaha degmada Galdogob ee goboka Mudug ku kufsaday gabar 16-sanno jira ah, sida uu Puntland Mirror khadka taleefoonka ugu sheegay Maxamuud Muuse Bile sidoo kale loo yaqaan (Fardafuul) oo ah taliyaha ciidamada booliiska Garoowe.

Ciidamada booliiska Garoowe ayaa xiray ninka kadib markii ay howlgal ka sameeyeen guri kuyaala xaafada Kowda Agoosto ee Garoowe, sida uu sheegay taliyuhu.

Ninka ay xireen booliiska, ayaa ka baxsaday degmada Galdogob kadib markii kufsigu uu dhacay, balse booliiska ayaa ugaarsanayay.

Arrintan ayaa imaanaysa maalin kadib markii maxkamad Islaami ah oo kutaala gudaha degmada Galdogob ay xukuntay shanta wiil ee lagu eedeeyay inay kufsadeen ayna mindi ku dhufteen gabadha 16-sanno jirka ah.

Dhibanihii ayaa wali ku sugan isbitaal kuyaala gudaha magaalada Gaalkacyo si daaweyn dheeri ah loogu sameeyo, sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*