13 maleeshiyo oo katirsan ISIS oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gudaha Puntland

Maleeshiyo ISIS ah. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) 13 maleeshiyo oo katirsan ISIS ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gudaha Puntland, sida taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ay bayaan ku sheegeen maanta oo Khamiis ah.

Duqeynta ayaa Arbacadii ka dhacday Buuraha Golis ee gobolka Bari ee Puntland, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Africom.

“Anaga oo la kaashanayna ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya waxaan sii wadnay dadaalada lagu yareynayo carqalada ururada xagjiriinta ah, Taliska Mareykanka ee Afrika waxay qaadeen duqeyn lagu bartilmaameedsanayo ISIS-ta ku sugan Soomaaliya oo ka dhacday Buuraha Golis, 9-kii May, 201.” Africom ayaa sidaa ku sheegay bayaan.

“Wakhtigan, waxaan ogaanay in duqeynta lagu dilay 13 argagixiso ah.” Bayaanka ayaa intaas ku daray.

Waa duqeyntii saddexaad oo ka dhan maleeshiyada ISIS tan iyo bishii April ee sanadkan.

Weerarkan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara maleeshiyada ISIS tan iyo markii ay soo ifbaxday dabayaaqadii sanadkii 2015.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*