Puntland: Wasiirka Cadaaladda oo sheegay in shaacinta bisha Ramadaan laga sugo wasaaradda

Wasiirka Cadaaladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa maanta sheegay in loo diyaar garoobo wixii ka dambeeya bari bisha barakaysan ee Ramadaan.

Saalax ayaa wadaadda Puntland uga digay inay ku deg degaan iclaaminta bisha Barakaysan oo laga fiirsado, isagoo khilaafka soonka Ramadaanka yimaada sheegay inay ka dhalato in lagu deg dego Iclaaminta Ramadaanka.

Wasiirka ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in shaacinta Soonka laga sugo wasaaradda, isagoo tilmaamay in wadaad kastaa uusan ka sheegin meeshu joogo.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu soo sheegi doonto xiliga soonka la xiranayo, iyo xilliga la afurayo, wuxuuna Shacabka u jeediyey in arinta wasaaradda laga ka sugaan.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey kullan looga hadlayey ilaalinta deegaanka oo maanta lagu qabtay Garowe.

U diyaar garowga bisha Ramadaan ayaa laga dareemayaa magaalada Garowe, waxayna dadku maalmahan hadal hayeen xilliga ay dhalanayso bisha Ramadaan.

Qaar kamid ah Culimaa’udiinka Garowe ayaa bilaabay barnaamij lagu afurinayo dadka aan awoodin inay helaan afurka, waxaana magaalada lagu arkayey Haween aruurinaya raashin iyo lacag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*