Xaggee marayaa khilaafka Galmudug?

Sawirka: Xildhibaano katirsan dowladda federaalka oo dhawaan la kulmay masuuliyiinta sare ee Galmudug si ay u dhex-dhexaadiyaan.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa weli waxaa ka taagan khilaaf xoogan oo u dhaxeeya masuuliyiinta sare ee maamulkaas.

Dhex–dhexaadin ay wadeen xildhibaano katirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayaan weli wax natiijo ah ka dhalan.

Xildhibaanada ayaa la kulmay dhinacyada uu khilaafku ka dhaxeeyo oo ah madaxweynaha iyo iyo guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka oo dhinac ah.

Bayaan labo maalmood kahor ay soo saareen xildhibaanada dhex-dhexaadinta waday ayay ku eedeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya in ay farogelin ku hayso Galmudug.

Khilaafka ayaa ka dhashay go’aankii dhawaan ay Galmudug ku taageertay xulufada uu Sucuudigu hoggaamiyo ee kasoo horjeeda Qatar, taasoo ay ku kala qaybsameen hoggaamiyaasha maamulkaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casiir iyo madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi ayaa si buuxda uga soo horjeestay go’aanka uu soo saaray madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf oo uu ku taageeray xulufada Sucuudiga.

Tilaabo dabo socotay khilaafka ayaa qaar katirsan xildhibaanada Galmudug ay dhawaan sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne Xaaf balse waa uu diiday go’aankaas isaga oo ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ixtiraamayso go’aanka ay baarlamaanka Galmudug xilka uga qaadeen madaxweyne Xaaf, Puntland Mirror ayaa ogsoon in Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo dalka dibadiisa ugu maqan howlo shaqo uusan taageersanayn go’aanka lagu ayiday xilka qaadista Xaaf, taasoo muujinaysa khilaaf u dhaxeeya masuuliyiinta dowladda federaalka.

Juxa ayaa horey ugu soo jeediyay Madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha in dowladda dhexe aysan farogelin arrimaha gudaha maamul goboleedyada, sida ay ilo-wareedo xog ogaal ah u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Maleeshiyaad kala duwan oo ku sugan Cadaado

Maleeshiyaad kala duwan oo ka amarqaata dhinacyo kala duwan ayaa ku sugan gudaha magaalada Cadaado, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Maleeshiyaad cusub ayaa la sheegay in ay dhawaan soo gaareen magaalada kuwaasoo ka amarqaata Axmed Shariif Cali Hilowle, oo horey u kula tartamay Xaaf madaxtinimada Galmudug, Axmed Shariif ayaa u muuqda in uu ka faa’iidaysanayo khilaafka, isaga oo damac ka qaba madaxweynenimada.

Ciidanka NISA oo ilaalin jiray madaxtooyada ayaa laga badalay waxaana la geeyay maleeshiyaad daacad u ah Madaxweyne Xaaf, kuwaasoo dhawaan xabsi guri ka dhigay guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Galmudug oo ah maamul yar oo fadhigiisu yahay Cadaado ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa hareeyay khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay masuuliyiinteeda sare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*