Puntland iyo Jubbaland oo magacaabay xubnahooda doorashada federaalka, kuna baaqay shir deg deg ah

Deni iyo Axmed Madoobe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland iyo Jubbaland ayaa ku baaqay in shir deg deg ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah ay isugu yimaadaan Muqdisho 30-ka Janaayo si loo dhammeeyo khilaafka ka jira doorashooyinka soo socda, sida lagu sheegay war-saxaafdeed wadajir ah oo ay sii daayeen maanta oo Khamiis ah.

Baaqa ayaa imaanaya iyadoo uu jiro khilaaf saameeyay fulinta heshiiskii 17-kii September ee ay wadagaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

Sidoo kale Puntland iyo Jubbaland ayaa magacaabay xubnaha doorashada federaalka ee labadaas maamul u matali doona.

Muddadii 4-sanno ahayd ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hayay xilka ayaa ku eg bisha soo socota ee February.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*