Ugu yaraan 8 qof oo lagu dilay dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo ka dhacay Gaalkacyo

galkayo
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, bartamaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan lix qof oo lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug,sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo saraakiisha caafimaad.

Tobonaan kale ayaa ku dhaawacmay dagaalka, sida ay wararka sheegayaan.

Dagaalka manta oo Jimce ah dhacay ayaa bilaabmay kadib markii maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, sida ay dadka deegaanka sheegeen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku saabsan dagaalka manta oo Jimce ah.

Labada maamul ee Soomaaliyeed ayaa sanadkii hore ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo, waxaana uu ka tagay ugu yaraan 40 dhimasho ah.

Gaalkacyo ayaa u qaybsanta labo qaybood, mid waxaa maamusha Puntland mida kalena Galmudug.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*