Idaacada ciidamada Soomaaliya oo sheegtay in labo sargaal oo katirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo dhoolatus millatari ka sameynaya tuulo kutaala gobolka Shabeellaha Hoose, bishii Febaraayo 17, 2011. [Lahaanshaha Sawirka: AFP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Idaacada ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in labo sargaal oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada kumaandooska oo ay weheliyaan saaxiibadooda beesha caalamka ayaa weerarka ka fuliyay saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas, idaacada ciidamada ayaa sidaas sheegtay, iyada oo soo xiganaysa saraakiil ciidamada katirsan.

Ma aysan sheegin wakhtiga uu dhacay weerarku.

Waxay intaas ku dartay in weerarkaas lagu dilay Maxamed Dhuubow iyo Cumar Mahad Karataay.

Maxamed Dhuubow, oo la aaminsanyahay in uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday macdan qodista Mandheera oo lagu dilay 14 qof oo shaqaale ahaa, ayaa Kenya madaxiisa dul dhigtay 2 milyan oo lacagta Shillinka Kenya ah.

Cumar Mahad Karataay ayaa ah wiil uu dhalay Mahad Karataay oo kamid ah hoggaamiyaasha ugu sareeya maleeshiyada Al-Shabaab. Cumar ayaa la sheegay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa taakulaynta ajaaniibta katirsan kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*