Ugu yaraan todobo qof oo ku geeriyooday weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen kantaroolka magaalada Boosaaso

Sawirka: Maleeshiyada Al-Shabaab.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan todobo qof ayaa ku geeriyooday weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen kantaroolka magaalada Boosaaso xalay fiidkii, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka iyo ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sidoo kale jidka u galay ciidamo katirsan Puntland kuwaasoo doonayay in ay u gurmadaan ciidanka ku sugnaa kantaroolka ee la weeraray, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Dadka geeriyooday ayaa ahaa saddex askari iyo afar qof oo shacab ah, ilo-wareedyo katirsan isbitaalka guud ee Boosaaso ayaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

In ka badan 10 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka xalay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilihii u dambeeyay kor u qaaday weeraradeeda ka dhanka ah ciidanka Puntland gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Bari.

Maleeshiyada xagjirka ah iyo ciidanka dowladda Puntland ayaa ku dagaalamayay buuraha Galgala ee gobolka Bari tan iyo sanadkii 2010.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*