Madaxweyne ku-xigeenada Jubaland iyo golaha wasiirada oo xilka loo dhaarshay

Kismaayo-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo ku-xigeenka labaad Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga Dheere) ayaa maanta si rasmiya loogu dhaarshay magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubaland.

Sidoo kale waxaa shaqadooda loo dhaarshay golaha wasiirada cusub ee maamulkaas oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed ayaa dhaariyay labada madaxweyne ku-xigeen iyo golaha wasiirada oo ka kooban 35 xubnood, guddoomiyaha ayaa u rajeeyay masuuliyiinta xilka u dhaaratay in ay shaqadooda kasoo baxaan.

Maamulka Jubbaland  ayaa si rasmiya loo asaasay sanadkii 2013-ka, dowlada Puntland oo kamid ah maamulada ugu faca weyn ee maamulada ka jira Soomaaliya maanta ayaa gacan weyn ka geysatay dhismaha maamulka Jubaland oo caqabado badan soo maray xilligii la dhisayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*