Waardiyaasha Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo qabsaday xarunta bangiga AMAL Garoowe

Ciidamo madaxweyne ku xigeenka
Tiknigada waardiyaasha madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo gudaha ugu jira xarunta Amal ee Garoowe. sawirka: Facebook.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo tikniko ku hubaysan oo katirsan Waardiyaasha madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay ayaa saakay oo Isniin ah gudaha u galay xarunta Amal Bank ee Garoowe, iyagoo haystay xarunta muddo saacad ku dhow.

Mid kamid ah shaqaalaha bangiga Amal oo la hadlay warsidaha Puntland Mirror ayaa sheegay in ciidamada ay joojiyeen shaqada bangiga kadib markii ay gudaha u galeen xarunta bangiga.

Lama yaqaan sababta rasmiga ah ee ka dambaysa in ilaalada madaxweyne ku-xigeenka ay qabsadaan bangiga Amal, balse ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Puntland Mirror u sheegay in masuuliyiinta bangiga ay diideen lacago sharci daro ah oo uu madaxweyne ku-xigeenka weydiistay bangiga.

Ugu dambayna ciidamada ayaa ka baxay xarunta bangiga kadib markii ay muddo saacad ku dhow haysteen xarunta weyn ee bangiga oo kutaala meel u dhow gaantaroolka Koonfureed ee caasimada Puntland, Garoowe.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*