Raysulwasaaraha Soomaaliya oo magacaabay wasiirka gaashaandhiga, xilkana ka qaaday wasiirka arrimaha diinta

Sawirka: Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay Axmed Mursal Shiikh wasiirka gaashaandhiga, sida maanta oo Axad ah ay ku warantay wakaalada wararka dowladda ee SONNA, oo soo xiganaysa wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

Raysulwasaaraha ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha diinta Iimaan Cabdullaahi Cali, sida ay sheegtay SONNA.

Bishii lasoo dhaafay, wasiirkii gaashaandhiga Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa xilkiisii iska casilay.

Xil ka qaadista wasiirka arrimaha diinta ayaa noqon doonta markii ugu horeysay ee Khayre uu ceyriyo xubin ka mid ah golihiisa wasiirada tan iyo markii uu xilka qabtay bishii Febaraayo ee sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*