Hal qof oo haraad dartiis ugu geeriyooday gudaha gobolka Nugaal

Xilli roobaadkii Deyrta oo aan si fiican u da’in ayaa sababay abaarta. [Sawirka: Puntland Mirror]
Xilli roobaadkii Deyrta oo aan si fiican u da’in ayaa sababay abaarta. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof ayaa haraad dartiis ugu geeriyooday deegaan miyi ah oo hoostaga tuulada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal, sida uu sheegay qof xoolo-dhaqato ah.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta maxaliga ah, mid kamid ah xoolo-dhaqatada ayaa sheegay in dhimashadaas ay ka dhacday halkaas asbuucii lasoo dhaafay.

“Waxa uu ahaa wiil yar oo 10-sanno jir ah, waxa uu u dhintay haraad dartiis,” ayuu yiri qofka xoolo-dhaqatada ah.

“Xaalada waa mid aad u khatar badan, haddii aanan helin caawimaad sida ugu macquulsan, dad badan baa khatar ugu jira in ay naftooda waayaan.” Ayuu ku daray.

Soomaaliya ayaa wajahaysa abaartii ugu darnayd muddo sannado ah, in ka badan 6 milyan oo dad ah ayaa u baahan caawimad deg deg ah oo cuno iyo biyo ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Gudaha Puntland, abaarta daran ayaa saamaysay in ka badan 1.5 milyan oo xoolo-dhaqato ah, sida ay sheegtay haayada arrimaha bini’aadanimada iyo maaraynta musiibooyinka Puntland u qaabilsan  ee HADMA.

Xilli roobaadkii Deyrta oo aan si fiican u da’in, oo sida caadiga ah la heli jiray bilaha October iyo November, ayaa sababay abaarta. Xilli roobaadka xiga ayaa ah Guga waxaana la filayaa in uu bilaabmo bilaha April iyo May.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*