Madaxweynaha Puntland oo isku shaandhayn kooban ku sameeyay golihiisa wasiiradda

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isku shaandhayn kooban ku sameeyay golihiisa wasiiradda, isagoona ballaariyay wasaaraddaha oo ku daray kuwo cusub, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday madaxtooyadda aroornimadii Khamiista.

Isku shaandhaynta oo muddo la sugayay ayaa saamaysay dhowr wasaaraddood oo wasiiro cusub loo magacaabay oo ay kamidyihiin haweenka, ganacsiga iyo xanaanada xoolaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xubno cusub oo wasiiro iyo ku xigeeno u magacaabay wasaaraddo ay wasiiraddoodii noqdeen xildhibaano federaal.

Waxa uu sidoo kale isku shaandhayn ku sameeyay agaasimayaasha guud oo u magacaabay xubno cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*