Ugu yaraan 8 askari oo ciidamada DFS katirsan oo ku geeriyooday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo milatari oo kuyaala gobolka Shabeellaha Hoose

Ugu yaraan 8 askari oo ciidamada DFS katirsan oo ku geeriyooday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo milatari oo kuyaala gobolka Shabeellaha Hoose. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 8 askari oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah ay ku qaadeen labo saldhig ciidan oo kuyaala deegaanada Warmaxaan iyo Tixsiile ee gobolka Shabeellaha Hooes, sida ay sheegeen ilo-wareedyo milatari.

Ugu yaraan labo askari ayaa ku geeriyooday weerarka dhanka TIxsiile halka aan la aqoon ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarka saldhiga kuyaala Warmaxaan.

Dhanka kale, kolonyo xoojin ah oo ka tagay saldhig milatari oo kuyaala Balidoogle ayaa waxa la kacday miinada dhulka lagu aaso markii ay marayeen meel u dhow magaalada Walanweyn oo qiyaastii 90 km dhanka galbeed kaga beegan caasimada Muqdisho, sida ilo-wareedyo milatari ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Taliye ku xigeenkii guutada 6-aad iyo sargaal milatariga katirsan ayaa kamid ahaa afar qof oo ku dhintay miinadaas dhulka lagu aasay, sida ay ilo-wareedyadu xaqiijiyeen.

Sideed askari oo kale ayaa ku dhaawacmay miinada.

Qaraxa ayaa dhacay wax yar kahor intii aysan qoraxdu soo bixin iyada oo ciidamadu kusii jeedeen deegaanada Warmaxaan iyo Tixsiile si ay u xoojiyaan ciidamada dowladda ee ay maleeshiyadu weerarka ku qaaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in intii badnayd ciidamada ku sugnaa saldhigyada ay maleeshiyadu weerartay ay ka baxsadeen iyagoo oo aan khasaare badan soo gaarin. Al-Shabaab ayaa hadda isaga baxday deegaanadaas, sida dadka deegaanku ay xaqiijiyeen.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in ay saldhigyadaas ka qaateen hub iyo baabuur milatari.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*