Janaraal Moorgan oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe

Boqolaal qof ayaa saf u galay waddooyinka si ay u soo dhaweeyaan Janaraalka. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa maanta oo Jimce ah si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Boqolaal qof ayaa saf u galay waddooyinka si ay u soo dhaweeyaan Janaraalka.

Arbacadii, isaga oo ku sugan magaalada Boosaaso, Moorgan ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u tartamaya doorashada madaxweynenimada Puntland ee sanadka 2019.

Moorgan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa tan iyo markii la dhisay sanadkii 1998-dii aan ku lug laheyn siyaasada Puntland, oo ah halka uu kasoo jeedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*