Dadaalada gurmadka dadka ku waxyeeloobay fatahaada Beledweyne oo ka bilaabmay Puntland

Dad ay fatahaadu saamaysay Beledweyne. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dadaalada gurmadka loogu uruurinayo dadka ku waxyeeloobay fatahaada Beledweyne ayaa maanta oo Khamiis ah ka bilaabmatay magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.

Dhalinyaro is abaabushay ayaa lagu arkayay gudaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kuwaasoo dadka ka uruurinaya qof walba waxa uu ku deeqi karo lacag, dhar iyo cunaba.

Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland, culimada ayaa sheegtay in $164,000 kaash oo ah lacag ka hartay gurmadkii abaartii 2017 ka dhacday Puntland hadda loogu deeqayo dadka ku waxyeeloobay fatahaada Beledweyne.

Dad lagu qiyaasay 164,000 qof ayaa ka cararay guryahooda gudaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan markii biyha ay ku fataheen magaalada kadib webiga Shabeelle oo qarqarka jabsaday.

Fatahaada oo ay keeneen roobab mahiigaan ah ayaa burburiyay dhul-beereedkii, kaabayaasha iyo waddooyinka gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*