Mareykanka oo xadidaad socdaal dul dhigay masuuliyiin Soomaaliyeed

Qof codkiisa dhiibanaya. [Sawir Hore]
Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa isclaamiyay in uu xadidaad socdaal uu dul dhigay masuuliyiin Soomaaliyeed iyo shakhsiyaad kale kadib markii ay doorashada baarlamaanka wakhtigii qorshuhu ayaa lagu qaban waayay oo markale la kordhiyay.

“Waxaan iclaamiyay siyaasadda xaddidaadda fiisaha sida waafaqsan Qeybta 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda si loo xaddido bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ay ku lug leeyihiin, wax u dhimaya geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka.

“Soomaaliya waa in ay si degdeg ah u soo gebagebeyso doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha si hufan oo lagu kalsoonaan karo. Dowladda Mareykanka ayaa qiimeyn doonta tallaabooyin dheeri ah oo hoos yimaada siyaasaddan iyo agabka kale ee aan awoodno si aan kor ugu qaadno isla xisaabtanka iyo in aan taageerno geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya.” Bayaanka ku sii daray.

Tilaabadan ayaa imaanaysa kadib markii madaxda Soomaalida ay isku afgarteen in wakhtiga doorashada baarlamaanka la korshiyo ilaa 15-ka Maarso.

Ilaa iyo hadda in ka badan 100 xildhibaan ayaa la doortay oo kamid ah 275 xildhibaan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*