Golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo meelmariyay miisaaniyada sanadka 2019

Golaha wasiirada DFS. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyay miisaaniyada sanadka 2019.

Kulan ay ku yeesheen Muqdisho maanta oo Isniin ah, golaha wasiiradda oo uu shir guddoominayay Raysulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa si aqlabiyad leh ku meelmariyay miisaaniyada sanadka soo socda oo dhan $340,060149 (saddex boqol iyo afartan milyan, lixdan kun boqol iyo afartan iyo sagaal Doolar).

Koror miisaaniyadeed ayaa jira marka loo barbardhigo miisaaniyada sanadka dhammaanaya ee 2018 oo ahayd $274.6 Milyan (labo boqol iyo todobaatan iyo afar milyan, iyo lix boqol kun Dollar).

Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa sheegay in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

“Waxa aan ku faraxsanahay in golaha wasiirradu ay ansixiyaan miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019. Miisaaniyaddennu waxa ay gaartay $340 Milyan. Horumarkani waa natiijadii ka dhalatay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha,”  ayuu yiri Raysulwasaare Xasan Cali Khayre.

Wasaaradda Maaliyada ayaa miisaaniyada ay ansixiyeen golaha wasiiradu u gudbin doonta baarlamaanka si u meelmariyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*