Ugu yaraan labo qof oo shacab ah oo ku dhimatay weerar ka dhacay bar-koontarool oo kuyaala magaalada Boosaaso

Gantarool ciidan oo kuyaala magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Bar-kaantarool ciidan oo kuyaala magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ayaa weerartay bar-koontarool oo kuyaala gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana lagu dilay ugu yaraan 2 qof oo shacab ah sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay labo askari oo katirsan ciidamada ammaanka dowladda Puntland, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Weerarka ayaa dhacay habeenimada Arbacada iyada oo ciidamada ammaanka ay wadeen baaritaan, sida ay sheeegeen ilo-wareedyadu.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad shacab ah oo marayay meesha uu weerarku ka dhacay.

Kadib markii uu dhacay weerarku, dablaydii ayaa ka baxsaday goobta.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse waxaa looga shaki qabaa maleeshiyooyinka Al-Shabaab ama ISIS.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*