Ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay dagaal maleeshiyo xoolo dhaqato ah ku dhexmaray deegaan u dhow tuulada Bali Busle ee gobolka Mudug

Balibusle
Ugu yaraan shan qof oo ku dhintay dagaal maleeshiyaad xoolo dhaqato ah ku dhexmaray deehaan u dhow Balis Busle.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay dagaal maleeshiyo beeleed xoolo dhaqato ah ku dhexmaray deegaan u dhow tuulada Bali Busle ee gobolka Mudug, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay deegaanka Docolo Ooman oo u dhow tuulada Bali Busle.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalka ayaa ku lug leh aanooyin qabiil oo u dhaxeeya labada dhinac ee dagaalamay.

Dagaalada ku lugta leh aanooyinka qabiilka iyo muranka ka dhasha deegaan daaqsimeedka ayaa mar walba kusoo noqda deegaanadaas.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*