Kenya oo dooran doonta Madaxweyne cusub

Kenya oo dooran doonta Madaxweyne cusub. [Sawirka: Twitter]
Nairobi-(Puntland Mirror) Dadka reer Kenya ayaa maanta oo Talaado ah dooran doona madaxweyne cusub iyo baarlamaan cusub kadib dhowr asbuuc oo olole lagu jiray.

Xarumaha codaynta ayaa furnaan doona saacadaha u dhaxeeya 6.00am ilaa 5.00pm ee wakhtiga maxaliga ah ee Kenya, iyada oo natiijada la filayo in lagu iclaamiyo todobo beri gudahood.

In ka badan 19 milyan oo cod bixiyeyaal ah ayaa is-diiwaan gashay si ay codkooda u dhiibtaan, 40,883 oo xarumaha codaynta ah ayaa dalka gudihiisa laga furay.

Xarumaha cod bixinta ayaa ah kuwo aad loo soo buux dhaafshay sacadihii hore ee maanta, iyaga oo cod bixiyeyaashu safaf ugu jiraan xarumaha cod bixinta.

Madaxweyne Uhuru Kenyata oo 55 jir ah, ayaa doonaya in uu mar labaad muddo shan sanno ah xafiiska ku guuleysto waxaana uu doorasho adag ku wajahayaa hoggaamiyaha mucaaradka ee khabiirka ah Raila Odinga, oo 72 sanno jir ah oo markii afraad u tartamaya madaxtinimada.

Natiijada doorashada musharixiinta Kenyata iyo Odinga ayaa muujinaysa in ay simantahay.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*