Guddiga madaxa-banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya oo sheegay in ay socdaan baaritaano ay ku hubinayaan dacwado ku saabsan doorashooyinka aqalka hoose

Guddiga madaxa-banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya. [Sawirka: snapshoot]
Guddiga madaxa-banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya. [Sawirka: snapshoot]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddiga madaxa-banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in guddiga uu baarayo dacwado ku saabsan doorashooyinka dalka ka socda.

“GMXKHDD waxaa u ku wargalinayaa dhamaan inta ay khuseyso dacwadaha aan gacanta ku heyno, in Guddigu uusan weli dacwadahaas go’aan ka gaarin. Muddo dhaw wuxuu Guddiga MXKHDD wuxuu bilaabayaa dhageysiga dacwadaha, dhinac walibana waxaan siineynaa fursad uu isku difaaco,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay guddiga.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay baari doonaan dacwadaha ku saabsan qoondada haweenka ee 30% oo lagu go’aamiyay shirkii madasha qaran ee hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya.

“Arrimaha la xiriira Qoondada Haweenka ee 30% oo ay go’aamisay Madasha Hoggaanka Qaran, Guddiga MXKHDD waxa uu go’aan ka gaarayaa dacwadaha ay soo gudbiyaan Musharrixiinta Dumarka ah oo kaliya.” Ayaa lagu yiri bayaanka guddiga madaxa-banaan ee khilaafaadka.

Kiisas musuqmaasuq oo aad u weyn iyo cabsi gelin codeeyaha ayaa hareeyay doorashooyinka hadda socda ee baarlamaanka Soomaaliya, sida uu warbaahinta u sheegay hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, Janaraal Nuur Faarax Jimcaale.

Laaluush u dhaxeeya $1,000 – $5,000 ayaa la bixiyay, sida uu sheegay hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, Janaraal Nuur Faarax Jimcaale.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa sidoo kale ogaaday in qaar kamid ah musharixiinta ay bixiyeen laaluush ka sareeya $1.3 milyan si ay cod u helaan.

Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa soconayay ilaa iyo bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*