Wasiirkii hore ee gaashaandhiga oo loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdirixmaan. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah Maxamed Mursal Cabdirixmaan u doortay guddoomiyaha baarlamaanka.

Maxamed Mursal ayaa helay 147 cod, halka Ibraahim Isaaq Yarow oo la tartamayay uu helay 118 cod.

Toban musharax ayaa u tartamay xilkaas, kadib markii guddoomiyihii hore Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu 12-kii April iska casilay kadib ismari waa siyaasadeed oo soo kala dhexgalay haayadaha dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Maxamed Mursal Cabdirixmaan ayaa ahaa Wasiirka Gaashaandhiga balse asbuuc kahor ayuu iska casilay si uu ugu tartamo xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*