Ciidamada dowladda Suuriya oo dib ula wareegay degmada Aleppo

Ciidamada dowladda Suuriya oo dib ula wareegay degmada Aleppo. [Sawirka: AFP]
Ciidamada dowladda Suuriya oo dib ula wareegay degmada Aleppo. [Sawirka: AFP]
Aleppo-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Suuriya ayaa dib ula wareegay degmada bari ee ugu weyn oo ay maamuli jireen falaagada ee Aleppo, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Ciidamada Suuriya ayaa hadda guud ahaanba gacanta ku haya degmada Aleppo, iyaga oo sifaynaya meelaha miinooyinka iyo bumbooyinka lagu qariyay, sidaa waxaa ku warantay wakaalada wararka Suuriya ee Sana.

Dowladda ayaa waday gulufka ka dhanka ah falaagada oo ay dib ugu qabsanayso Aleppo tan iyo 15-kii bishaan November.

Dad gaaraya ilaa iyo 275,000 qof ayaa ku xayiran, waxaana dagaalka ku dhintay 212 qof oo shacab ah, sida ay sheegeen guddiga kormeerida xuquuqda aadanaha Suuriya oo fadhigoodu yahay dalka UK.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira 12 caruur ah, sida ay sheegeen guddiga, warbixinada ayaa muujinaya in ay jiraan la’aanshaha daawooyinka caafimaad iyo cuno.

Qabsashada Aleppo ayaa guul u noqonaysa madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad kadib lix sanno iyo bar colaad ah.

Aleppo, ayaa mar ahaan jirtay xarunta ganacsiga iyo warshadaha ee Suuriya, waxayna u qaybsanayd labo qeybood tan iyo 2012-kii, iyadoo qeybta galbeed ay maamuli jirtay dowladda qeybta barina falaagada.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*