Ciidamada Puntland iyo Galmudug oo howlgal amni oo wadajir ah ka bilaabay Gaalkacyo

Gaalkacyo. [Sawir Hore]

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka bilaabay howlgal lagu xaqiijinayo amniga magaalada.

Howlgalka wadajirka ah ayaa bilaabmay habeenimadii xalay, sida ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Xubno looga shaki qabo in ay xiriir la leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo qabtay howlgalka, sida ilo-wareedyadu sheegeen.

Sabtidii, ciidamada difaaca Puntland ee PSF iyo guutada 21-aad ee ciidanka Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Labada maamul ayaa shir ay ku yeesheen Gaalkacyo bishii la soo dhaafay isku afgartay in si wadajir ah looga shaqeeyo ammaanka Gaalkacyo iyo gobolka oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*