Al-Shabaab oo sheegtay in dagaalyanadooda ku dileen bartamaha Soomaaliya 40 askari oo Itoobiyaan ah

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada al-Shabaab ee  ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen ugu yaraan 40 askari oo Itoobiyaan ah kadib markii ay maleeshiyada weerar saakay oo Khamiis ah ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Dadka deegaanka Halgan oo ku taala gobolada dhexe ayaa sheegay in ay saldhiga ka maqleen qarax aad u weyn iyo rasaas la is-dhaafsanayay wakhtigu markuu ahaa subaxnimadii hore ee saakay.

Howlgalka Midowga Afrika oo ay qayb ka tahay Itoobiya shanta wadan oo ku deeqay ciidamada ayaa xaqiijiyay weerarka balse waxay ka gaabsadeen in ay bixiyaan faahfaahin dheeri ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*