Maxkamada ICJ oo dhageysiga muranka kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya dib u dhigtay 2021

Madaxweynaha ICJ Cabdulqawi Axmed Yuusuf. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dhageysiga Maxkamada ICJ ee muranka kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa dib loogu dhigay 15-ka Maarso, 2021, sababo la xiriirta dhibbaatada xanuunka coronavirus uu ku yeeshay adduunka.

Raysulwasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shalay ay maxkamada ICJ u soo dirtay waraaq labada dal taasoo ay ku sheegayso in kiiska dacwada dib loo dhigay.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay marwalba dooneysay in dacwada wakhtiga loo asteeyay lagu qabto, balse ay hadda aqbalayso dib u dhigida ICJ maxaa yeelay coronavirus dartiis.

Tani waa markii saddexaad oo dhageysiga muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigo.

Labada dal ee dariska ah waxay sheeganayaan lahaanshaha 150,000 kiilomitir oo labo jibaar ah oo kuyaala xeebta Badweynta Hindiya, halkaas oo la sheegay in ay qani ku tahay saliid, gaas iyo kaluunka tuna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*