Ugu yaraan todobo qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Qiiq kasoo baxay goobta qaraxa uu ka dhacay. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha dowladda.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel qiyaastii 400 kiilomitir u jirta xarunta madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia), sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dadka qaraxa ku dhintay waxaa kamid ahaa saddex katirsan shaqaalaha Universal TV, oo uu ku jiray wariyaha caanka ahaa Cawil Daahir Salaad, sida ay sheegeen saraakiil katirsan booliiska.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xildhibaan iyo duq ku xigeenkii Muqdisho ay sidoo kale kamidyihiin in ka badan 20 qof oo ku dhaawacantay.

Askar ayaa kamid ah dadka ku geeriyootay qaraxa maanta.

Xagjiriinta Al-Shabaab, kuwaasoo geysta qaraxyada Muqdisho, ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa, sida ay tabiyeen warbaahintooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*