Mareykanka oo muwaadiniintiisa u jeediyay in ay ka baxaan magaalada Muqdisho

[Sawirka: Calanka Mareykanka.
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa u jeediyay in ay ka baxaan magaalada Muqdisho, sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

“Khataro gaar ah oo jira darteed oo ka dhan ah shaqaalaha Mareykanka ee garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya waxa uu u jeediyay shaqaalaha Mareykanka in ay ka tagaan Muqdisho ilaa faahfaahin dheeraad ah,” ayay bayaan ku sheegeen howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

“Iyadoo la tixraacayo Digniinta safarka ee Soomaaliya, Waaxda Arrimaha Dibadda waxay sii wadi doontaa inay uga digto muwaadiniinta Mareykanka in ay u safraan Soomaaliya. Xaaladda nabadgelyo ee Soomaaliya waa mid aad u liidata, khatarna u ah dhamaan muwaadiniinta Mareykanka ee Soomaaliya weli waa kuwo muhiim ah. Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa ku boorrisay dhamaan muwaadiniinta Mareykanka ikuwaasoo go’aansaday inay joogaan Soomaaliya in ay dib u eegaan qorsheyaasha amniga ee shakhsiyeed, waana in ay qaadaan talaabooyin ku haboon si kor loogu qaado ammaankaaga shakhsiyeed, ayagoo ka warhaya degaanka, kormeerida warbaahinta maxaliga ah si loo cusbooneysiiyo, loona ilaaliyo feejignaan sare. Ma jirto joogitaan safaaradeed oo Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya.” Ayay ku sii dareen.

Tilaabadaan ayaa imaanaysa iyadoo dalka Soomaaliya uu kasoo kabanayo sanado badan oo fowdo iyo ammaandaro ah, masuuliyiinta dowladda Soomaaliya oo taageerada ugu badan ee dhanka ciidanka ka hesha dalka Mareykanka ayaan ka hadlin hadalka kasoo baxay Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*