Is-afgarad laga gaaray xiisad ka jirtay magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. [Lahaanshaha Sawirka: Cali Ducaale]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Is-afgarad ayaa laga gaaray xiisad ka jirtay magaalada Boosaaso, sida ilo-wareedyo ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Xiisada ayaa timid kadib markii asbuucii lasoo dhaafay ay magaalada galeen maleeshiyo beeleed ka timid magaalada Carmo ee gobolka Bari.

Maleeshiyada ayaa la sheegay in ay adeegsanayaan qandaraas qaatayaal ay isku haybyihiin kuwaasoo ka xanaaqsan khilaaf ka dhashay shirkad la yiraahdo PDG oo saadka siisa ciidamada badda Puntland ee ay maalgeliyaan Isutaga Imaaraatka Carabta.

Isimada iyo culimada ayaa hormuud u ahaa dadaalada lagu qaboojinayo xiisada oo laga baqay in ay keento gacan ka hadal u dhaxeeya maleeshiyo beeleedka iyo dowladda Puntland oo ciidamo faro badan oo wata gaadiidka dagaalka geysay magaalada Boosaaso.

Dhexdhexaadiyaasha ayaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ka codsaday in dowladda aysan samayn wax keeni kara isku dhac taas badalkeedana hoggaamiyaasha maleeshiyada ay ogolaadeen in ay ka baxaan magaalada kadibna wixii khilaaf ah oo jira lagu xaliyo wadahadal, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*