Dooxada Dharoor ee gobolka Bari oo dib loo furay kadib 40 beri oo ay xirnayd

Dooxada Dharoor ee gobolka Bari. [Xigashada Sawirka: Horseed Media]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dooxada Dharoor ee gobolka Bari ayaa dib loo furay kadib muddo afartan beri ah oo ay xirnayd.

Dooxada ayaa la xiray dabayaaqadii bishii May ee sanadkan si loo ilaasho soo bixitaanka dhirta ee dooxada loogana hortago nabaadguur yimaada, sida ay sheegeen odayaasha deegaanka.

Howshaan muhiimka ah ayaa waxaa sameeyay odayaasha deegaanka iyo maamulka degmooyinka ku hareeraysan sida Isku-shuban iyo Ufeyn.

Dhul daaqsimeedka dooxada Dharoor ayaa dherekoodu dhanyahay 70-km, balaceeduna waa 30-km, sida ay sheegeen odayaasha deegaanka.

Waxay ahayd markii ugu horeysay muddo 25 sanno ah oo lagu guuleysyto in la xiro dooxo kamid dooxooyinka dhul daaqsimeedka ee kuyaala deegaanada Puntland.

Intooda badan dooxooyinka dhul daaqsimeedka ee kuyaala gobolada Puntland ayaa wajahaya nabaad-guur iyo xirmaysi sharci daro ah oo ay sameeyaan shakhsiyaad gaar ah.

Wasaaradda Deegaanka Puntland oo masuul ka ah deegaanka Puntland ayaa ah mid diciif ah oo musuq-maasuq ragaadiyay, taasoo aan wax muuqda ka qaban dhibbaatooyinka deegaanka ee ka jira Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*