57 kiis oo cusub oo coronavirus ah oo laga helay Soomaaliya iyo tirada dhimashada oo gaartay 51

Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abubakar. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in 57 kiis oo cusub oo coronavirus ah laga helay dalka, iyo saddex dhimasho.

Kiisaskan cusub ee coronavirus ayaa laga helay gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Somaliland, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1054, 52 dhimasho ah iyo 118 qof oo ka bogsatay xanuunka, sida ay sheegtay xogta wasaaradda caafimaadlka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*