Saddex qof oo ku dhaawacmay diyaarad ku burburtay Beledweyne

Burburka diyaarada oo la arki karo qiiq ka baxaya. [Isha Sawirka: Facebook]
Beledweyne-(Puntland Mirror) Diyaarad ka diiwaangashan dalka Kenya ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne maanta oo Talaado ah.

Ma jirto cid ku dhimatay balse waxaa jira ilaa saddex qof oo ku dhaawacmay, sida ay sheegeen masuuliyiinta garoonka.

Diyaarada oo ka soo duushay dalka Jabuuti ayaa raashin u siday ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Gebi ahaan raashinkii ayaa gubtay.

Cilada keentay burburka diyaaradda si rasmi ah looma sheegin, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in cilad katimid taayirada markii ay soo cago-dhigatay uu sababay in diyaaraddu ay ka baxdo dhabaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*