Shariif Xasan oo iska casilay Madaxweynenimada Koonfur Galbeed

Shariix Xasan Shiikh Aadan madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed. [Sawir Hore]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa iska casilay madaxweynenimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, sidoo kalena waxa uu ka haray doorashada soo socota, sida uu ku sheegay war-saxaafaeed.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 7/11/2018, waxaan si rasmi ah isaga casilay xilkii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidoo kale waxaan ka tanaasulay musharaxnimadeydii tartanka madaxweynaha KGS, oo u mudeysneyd 17/11/2018, taasoo aan u arkay xaaladaha ka dhex jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo aan hoggaaminayay, anigoo u tuuraya dalka, dadka iyo maamulka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Shariif Xasan maanta oo Arbaco ah.

Waxaa si kumeelgaar ah xilka madaxweynaha u sii heyn doona guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Shiikhunaa, sida uu qorayo dastuurka maamulkaas, laguna xusay war-saxaafadeedka.

Go’aanka ayaa soo afjaraya maalmo ismariwaa siyaasadeed ah oo ka dhex jiray doorashada maamulka Koonfur Galbeed, ee la filayo in la qabto bishaan gudaheeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*