Janaraal Moorgan oo u dhow in uu kamid noqdo xubnaha aqalka sare

morgan-in-garowe
Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Janaraal Maxamed Siciid Xirsi. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Janaraal Maxamed Siciid Xirsi oo loo yaqaan (Moorgan) ayaa u muuqda in uu noqon doono xubin aqalka sare ah kadib markii mid kamid ahaa nimanka la loolamaya uu ka haray tartanka aqalka sare.

Isaga oo saxaafada kula hadlayay Garoowe, Maxamed Cali Siciid (Guumbe) oo kamid ahaa labada nin ee la tartami lahaa Moorgan ayaa sheegay in uu ka haray u tartamida xubinta aqalka sare.

Guumbe ayaa sheegay in uu uga haray tartanka kadib markii uu la tashi la sameeyay qabiilkiisa, kuwaasoo ka codsaday in uu ka tanaasulo tartanka.

Mahad Cawad Cabdala oo sidoo kale kamid ahaa xubnaha uu madaxweynaha Puntland soo magacaabay oo liiska tartanka kula jiray Janaraal Moorgan ayaa ka tagay tartankaas.

Codaynta murashaxiinta Puntland u matali doona aqalka sare ayaa la filayaa in ay ka dhacdo Garoowe maalinta Khamiista

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*