Mareykanka oo qaaday weerar duqayn ah oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya

diyaarada aan duuliyaha lahayn (drone) ee Mareykanka. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa qaaday weerar duqayn ah oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen milatariga Mareykanka.

Duqaynta ayaa dhacday maalintii Axada, sida ay sheegeen saraakiisha taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

“Hadda waxaanu wadnaa qiimaynta natiijada howlgalka, waxaana bixin doonaa faahfaahin dheeri ah sida ugu macquulsan,” Patrick Barnes oo ah afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa sidaa yiri.

“Ciidamada Mareykanka waxay balanqaadeen in ay taageerayaan dowladda federaalka Soomaaliya, ciidamada qaranka Soomaaliya iyo saaxiibadayada AMISOM si looga adkaado Al-Shabaab deegaan ammaan ahna looga dhigo Soomaaliya.” Ayuu ku sii daray.

Mareykanku ma uusan sheegin cida lala eegtay howlgalka duqaynta ah, balse ilo-wareedyo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in la bartilmaameedsaday Ibraahim Xaaji Daauud, oo ah sargaal sare oo Al-Shabaab katirsan iyo hoggaamiyaha qaybta sirdoonka kooxda.

Kani waa weerarkii labaad oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay qaadaan ciidamada Mareykanka tan iyo inta uu jiray maamulka cusub ee Madaxweyne Donald Trump, sida ay sheegeen Mareykanku.

Weerarkii kan ka horeeyay ayaa dhacay bishii lasoo dhaafay kadib markii diyaarada aan duuliyaha lahayn ee drone ay duqeysay Al-Shabaab, waxaana lagu qiyaasay ilaa sideed dagaalyahan in lagu dilay weerarkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*